Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah in ay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.
“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayay VOA-du ka soo xigatay Guddoomiyaha Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya, Danvas Makori.
Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay maalin ka hor ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.
Dhinaca kale, Af-hayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa yiri “SHirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday tallaabooyin ballaaran, si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada.”
PUNTLAND POST