Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Kampala kaga qayb-galay Shir weyne ku saabsan Isbeddelka Cimilada

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa mgaalada Kampala uga qeybgalay shireyne looga hadlayo; Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka.

 Shirweynaha waxaa ka qayb-galay wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni.

Ergeyga oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in soomaaliya oo meel hoose kaga jirto waddamada wasqeeya Hawada (carbon emissions 0.03) ay haddana tahay Wadamada ugu horeeyo ee ay dhibaatooyinka ugu badan kasoo gaareen is beddelka cimilada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dalalka Africa iyo Caalamkaba kala shaqayso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha Isbeddelka Cimilada.

PUNTLAND POST