Wararkii u danbeeyay ee Madaxweyne Deni iyo Baarlamanka Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay si gaar gaar ah ula kulmay xildhibaannada laga soo doorto Gobollada Nugaal, Sanaag iyo Haylaand.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaannada laga soo doorto Sanaag iyo Haylaand ayaa inta badan diiradda lagu saaray wada-shaqaynta Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada dhinac si guud u wada-hadleen, islamarkaana aysan kulanka ka muuqan wax kala fogaansho ah.

Siciid Deni ayaa Xildhibaannada Sanaag iyo Haylaand u sheegay in Xuska 1-da Agoosto kadib ay si hoose uga wada-hadli doonaan wada-shaqaynta Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Nugaal waxa uu kala hadlay isla qodonka ku saabsan wada-shaqaynta Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada.

Khilaafka u dhexeeya Madaxtooyada Puntland iyo Golaha Wakiilada ayaa ka dhashay Arrimaha Garsoorka, kadib markii Baarlamanku uu diiday ansixinta Maxkamadda sare.

PUNTLAND POST