Puntland waa inay horseeddo dib u qeexidda geeddi socodka dowladnimo dhisidda Soomaaliya

Siyaad Cali Jaamac

Toban sano gudahood Soomaaliya waxay yeelatay seddex dowladood oo la aqoonsan yahay, laakiin waxay weli ku tiirsan tahay ciidammo nabad ilaalin Afrikaan ah. Booqashooyinkii isku xigxigay oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku kala bixiyay dalal dhowr ah waxaa looga gol leeyahay dejinta siyaasad arrimmo dibadeed loogu talagalay dal kala qoqoban, hoggaamiyihuusu Muqdisho u arko meesha Soomaalidu ku qasban tahay. Dadaalkii dowladnimo dhisidda Soomaaliya wuxuu ku dambeeyay gacanta kooxo qarannimada Soomaaliya dib u dhac ba’an u keenaya.

Soomaaliya ma laha ciidammo qaran oo la isku raacsan yahay. Dowladihii federaalka kala dambeeyay tan iyo 2012kii waxay ku shaqaysteen aqoonsigii dowladdu heshay iyagoo lacago Soomaaliya u tiil bangiyo shisheeye u loogay qareen Maraykan ah oo isku dayay inuu lacagta qaarkeed afka iska mariyo; maxkamad ayaa qareenka ku socota hadda. Waxay kale oo dowladda federaalku saxiixday heshiis wax-soo-saar wadaag sharcidarro ah lala saxiixday Coastline Exploration Febraayo 2022kii.

Madaxwerne Deni wuxuu ogaa in kooxo ku adeeganaya aqoonsiga dowladda federaalku haysato ay dhaawici karaan iskuduubnida iyo qarannimada Soomaaliya.

2019kii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu soo jeediyay in dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay eegaan sharciyada iyo heshiisyada ka hor inta labada aqal (baarlamaanka iyo Aqalka Sare) aysan ansixinin. Jawaabtii Madaxweyne Farmaajo bixiyay waxay ahayd: “Gole Qaran looma baahna. Dalku dowlad buu leeyahay.” Dowladda Madaxweyne Farmaajo sheegayay Wasiirkeedii Batroolka Cabdirashiid Maxamed ayaa heshiiska wax-soo-saar wadaagga sharci-darrada ah saxiixay. Taas mancaheedu waa dowladda federaalka ayaa kooxo u kala qeybsanayd inkastoo ay jirtay wareegto Madaxweyne Farmaajo ku joojiyay saxiixidda heshiisyo xilliga kala-guurka. Wasiirka Batroolku shaqadiisa ayuu sii watay. Beeshiisa ayaa difaacday.

Soomaaliya waxay ku dhisan tahay habka 4.5 laakiin waxay samaysatay dowlad federaal oo u dhaqmaysa sida dowlad la soo doortay. Taas waxaa ka sii daran in Madaxweyne Xasan Sheekh u dhaqmayo sida Madaxweyne aan ka warhayn nuglaanta geeddiga dowladnimo dhisidda Soomaaliya. Dad Soomaaliyeed ayaa qeybo ka mid ah dhulkooda xoog looga soo barakiciyay sababtoo ah dowladda federaalka ayaa wadahadalladdii 2019 Jabuuti ka dhacay u oggolaatay maamulka Somaliland in ay la noqon karto xaqa isu socodka.

Dowladda Puntland xil ayaa ka saaran dib u qeexidda kaalinta dejinta siyaasadda arrimmaha dibedda iyo qorsheyaasha dhaqaalaha ee dowladda federaalka. Maamul federaaleedyadii Puntland garab istaagi waayay 2019kii maanta waa inaysan ka aamusin habawga sii socda ee siyaasadda arrimmaha gudaha iyo dibedda ee dowladda federaalka.

Toban sano oo tijaabo dowladnimo dhisid ah natiijadeedu waxay noqotay kala fogaansho iyo u adeegsiga aqoonsiga dowladda federaalka fursad shaqsiyaad ku hantiyeystaan kuna wiiqaan maamullada ay u arkaan cadawgooda beel ahaan.

Bixinta shatiyo bangiyeed, dejinta siyaasad arrimmo dibeedeed oo Soomaaliya u keeni kara inay ku dhex milanto loollan dalal kale u dhexeeya waa laba tusaale oo muujinaya in geeddi-socodka dowladnimo dhisidda Soomaaliya ku soo afjarmay wax Damuljadiid ku adeegato.