
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Nugaal ayaa xalay yeeshay Kulan gaar ah oo saacado badan qaatay.
Kulanka waxa ka qayb-galay Xildhibaanno ay kamid yihiin Cabdiqani Faarax Dhaashane, Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar, Maxamed Axmed Cabdi Xaraf, Cabdisalaan Guuleed Siciid, Shiikh Cabdullaahi Siciid Axmed, Fu’aad Abshir Adeer iyo Cabdirisaaq Xasan Ciise.
Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ayaa looga wada-hadlay Qodoba ay ku jiraan wada-shaqaynta Baarlamanka iyo Madaxtooyada, Arrinta Abaaraha, Barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan ee qof iyo cod, gaar ahaanna Xallinta Khilaafka ka taagan dhismaha Maamulka degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.
Labada dhinac waxaa sidoo kale la isla soo qaaday Arrinta Maxkamadda sare iyo sidoo kale Doorashada Madaxtinimada Puntland ee Sannadka 2024, inkastoo aan Labadaas Qodob aad loogu dheeraan, sida ay wararku sheegayaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.