Xasan iyo Xamse oo kulan ka yeeshay magacaabista Golaha Wasiiradda

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka yeeshay magacaabista Golaha Wasiiradda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uga xog warramay Madaxweynaha halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumadda.

“Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah maalmahan la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada — ayaa waxa uu uga xog warramay Madaxweynaha halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumad tayo leh oo ka jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed” ayaa qoraalka lagu yiri.

Magacaabista Golaha Wasiiradda ayaa qaadatay muddo ka badan 30kii cisho ee lagu magacaabi jiray, kaddib markii Golaha Shacabka ay 25kii bishan July u ogolaadeen Ra’iisul Wasaaraha in 10 maalmood oo dheeraad ah loogu daro dhismaha Golaha Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa 8 cisho gudahood laga sugayaa in uu ku soo magacaabo Golaha Wasiiradda, wuxuuna ku jiraa la tashiyadii ugu dambeeyay.

PUNTLAND POST