Madaxweyne Deni oo booqday deegaano ka tirsan gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday deegaanada Xamur iyo Caano-yaskax oo ka tirsan gobolka Nugaal, kuwaas oo ay ka jirto abaar daran oo saameysay dadka.

Madaxweynaha Puntland ayaa xaalad wareystay dadka abaartu saameysay ee ku nool deegaanada Xamur iyo Caano-Yaskax, wuxuuna la wadaagay in dowladdu diyaar u tahay ka qaybqaadashada gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Deni waxaa booqashada ku weheliyay guddiga abaaraha ee Puntland oo ay hoggaaminayso wasaaradda gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka, xeer-Ilaaliyaha guud ee Puntland, taliska qeybta gobolka Nugaal, ganacsato iyo saraakiil madaxtooyo.

PUNTLAND POST