
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, oo uu la yeelanayo xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada kala hadlaya xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexaysa Baarlamanka iyo Madaxtooyada, islamarkaana ka dhalatay Arrimaha Garsoorka.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Garoowe kula kulmay Xildhibaannada laga soo doorto Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Sidoo kale, kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay xaqiijinayaan warar kala duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.