
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gurmad deg deg ah ka dalbaday dhammaan hay’adaha gargaarka Caalamiga ah.
Warqad ka kooban laba bog oo uu dhowaan u diray hay’adaha gargaarka dunida ayuu ka dalbaday in gurmad deg deg ah la soo gaarsiiyo shacabka Puntland oo ay si ba’an u saamaysay abaarta.
Madaxweyne Deni ayaa hay’adaha ka codsaday in biya-dhaan deg deg ah loo sameeyo dadka reer Puntland ee abaartu saamaysay islamarkaana lala gaaro cunto iyo daawooyin.
Sidoo kale wuxu codsaday in dadkaas la gaarsiiyo nafaqada carruurta iyo hu’ iyo calafka xoolaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.