
Ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Cutubyo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF iyo kuwa PMPF ayaa si wadajir ah hawlgalkaas uga fuliyay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad.
Wararku waxay sheegayaan in hawlgalkaas lagu burburiyay saldhigyo ciidan oo ay ka carareen Al-shabaab islamarkaana kayd badan u yaallay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.