
Booliiska Caasimadda Garoowe ayaa xabsiga dhigay nin toorreey ku weeraray dad shacab ah.
Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawacyo culus gaarsiiyay ninkaas oo aan weli magaciisa la shaacin.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in baaritaan lagu hayo shakhsiga loo qabtay dhacdadaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in uu maskax ahaan u xanuunsanayo eedaysanaha gacanta lagu hayo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.