Daahista in la soo dhiso dowlad ujeeddada laga leeyahay waa in Madaxweyne Xasan Sheekh asaaska u dhigo siyaasadda arrimmaha dibedda ka hor gole wasiirro oo ugu yaraan ka doodi kara siyaasadda. Halkee laga hirgelinayaa siyaasaddaas haddii Soomaalidu heshiis
siyaasadeed oo dhab ah uusan dhex oollin?
Wuu og yahay Xasan Sheekh in fulinta barnaamijkiisa siyaasadeed la kulmi doonto caqabado, hase ahaatee muu doonayo inuu isku canaanto inuu isku dayi waayay ku danaysiga aqoonsiga yar ee dowladdu haysato.
Wasiirrada la magacaabi doono waxaa sugaya wixii ku dhacay Wasiir marxuum Burci Xamsa oo shaqaale ka hooseeyay ay magaciisa kula xiriireen shirkad Biritish ah oo qashin in lagu qubo dalalka dunida seddexaad ka shaqaysa. Al-shabaab ayaa sheegatay dilkii Burci. Taas waxaa dheer in mashruucii barakacayaasha Koonfurta oo dhowr siyaasi ka lacagaysteen loo beddelay mashruuca abaaraha. Xasan Sheekh siyaasaddiisu sidii ay 2013kii dadka u kala fogeysay ayay hadda u kala fogeynaysaa. In Soomaali sidaas wax u qaybsatay oo Xamar lagu qasban yahay ayay la tahay.
Qofka wasiir heer federaal loo magacaabo wuxuu halis ugu jiraa in lagu eedeeyo musuqmaasuq. Dowladdii Madaxweyne Xasan ayaa sidaas ula dhaqantay Burci; Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Cabdi Siciid sidaas oo kale dambi ugu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay Wasiirka fal uusan sinna ugu lug lahayn.
Damuljadiid waxay afarta sano u arkaan fursad hanti lagu lunsanayo, danaha qaar ka mid ah beelaha dulmiga ku heshiiyay lagu dhowrayo. Dad badan oo ganacsato ka ah Muqdisho waxay maalqabeen ka noqdeen macaluushii 1992. Abaarta hadda taagan fursad labaad oo ay Villa Soomaaliya u fududeynayso ayay iyaga la tahay. Golaha Wasiirrada ee Damuljadid shaqo fool xun baa sugaysa.
Axmed M. Jiis
You must be logged in to post a comment.