Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Karkaar oo la magacaabay

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Karkaar oo ka kooban 14 xubnood.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka shaqayn doona Gurmadka Abaaraha Gobolkaas Karkaar.

Guddiga waxa weheliya guddi ka kooban afar xubnood oo dhinaca dowladda ah islamarkaana ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka Karkaar iyo duqa degmada Qardho.

PUNTLAND POST