Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay dhacdadii maxkamadda Garowe

Xubno ka tirsan baarlamaanka Puntland oo galinkii dambe ee maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhacdo saaka ka dhacday xarunta maxkamadda Garowe oo dhexmartay iyaga iyo xubno ka tirsan garsoorka.

Xildhibaannada ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed, inuu baaskoolad ku qabtay qaar ka mid ah xildhibaannada, kaddib markii ay kiis eedeysane u tageen maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal.

Muuqaalka qaar ka mid xildhibaannada oo ka hadlaya arrintaas

Dhanka kale garsoorka ayaa weli ka hadlin dhacdada ka dhacday xarunta maxkamadda magaalada Garowe iyo eedeynta loo jeediyay xubno ka tirsan maxkmadda sare ee Puntland.

Xubnaha maxkamadda sare ee Puntland waxaa dhawaan xasaanadda u diiday baarlamaanka, balse waxaa dib u soo magacaabay madaxweyne Deni, welina waxay u baahan yihiin xasaanad baarlamaan.

PUNTLAND POST