Xasan Sheekh oo muddo kooban 7 safar dibada ugu baxay

Madaxweynaha Dowldda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Masar.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan uu wadahadal la yeelan doono dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, ayna ka wadahadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Safarka uu maanta Madaxweyne Xasna Sheekh ugu baxay dalka Masar ayaa noqonaya safarkii todobaad oo ugu baxo dalka dibadiisa tan iyo markii la doortay 15 Maajo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa safaradaas aaday, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamse uusan weli magacaabin golihiisa wasiirada.

Madaxweyne Xasan ayaa ilaa hadda u safray dalalka Imaaraadka, Turkiga, Ereteriya, Kenya, Jabuuti, Tansaaniya iyo Masar.

PUNTLAND POST