Maxaa saaka ka dhacay xarunta Maxkamadda Garoowe?

Muran iyo jaah-wareer ayaa saaka laga soo weriyay xarunta maxkamadda magaalada Garoowe.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo saaka tegay maxkamadda Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan sabab u noqday muran iyo fowda ka dhacday maxkamadda.

Xildhibaannada oo watay askar hubaysan ayaa isku dayay in ay gudaha maxkamadda xoog uga la baxaan maxbuus laga keenay xabsiga inkastoo tallaabadaas ay ku fashilmeen.

Xildhibaannada iyo garsoorayaal ka tirsan maxkamadda ayaa la sheegay in ay is af-dhaafeen islamarkaana gacan ka-hadal ku sigteen.

Labada dhinac oo aan xiriir la samaynay wey diideen in ay ka hadlaan dhacdadaas laga soo weriyay xarunta maxkamadda Garoowe.

PUNTLAND POST