Boosaaso (Faallo) — Muqaalka qof dumar ah oo da’weyn la wadaagaysa wariye xog ku saabsan in “dab aan guriga la shidin dhowr maalmood” waa qiimeynta kama dambaysta ah in dabaqadda siyaasadda ee Puntland noqdeen ma naxeyaal in la iska qabto loo baahan yahay.
Saboolnimada dadka Soomaaliyeed waxaa sii kordhiya siyaasiyiinta oo leh awoodo ka sarreeya isla xisaabtan. Puntland hantideeda (waxa deeq ay ku hesho iyo waxa ay canshuuro ku qaaddo) haddii si hagaagsan loo maamulo dowladdu way yarayn kari lahayd saameynta abaaraha iyo shaqo la’aanta. Lacag Kabis ah ayaa la siin kari lahaa qoysaska sida eyeeyada Soomaaliyeed uu wariyuhu ku booqday hoygeeda ku yaalla degmada Qardho.
Puntland ma laha hantidhowr madaxbannaan. Habka dowladdu ku shaqeyso waxaa inta badan haga qowlaysato u arka fursado qandaraasyo lagu qaato. Puntland waxay lahayd laba sarrif— kan suuqa iyo kan dowladda wax lagaga iibiyo (procurement). Sarrif ka dowladda ayaa qiime dhac ku riday shilinka, keenayna qalalaase heerka nolosha oo ilaa hadda xal loo la’ yahay. Tani waxay sii kordhisay saameyntii xumeyd ay lacagtii uu taliskii Cabdiweli Gaas soo daabacday ku yeelatay dhaqaalaha Puntland.
Cabsida ugu weyn Puntland ka jirta waa in geeddisocodka dimuqraadiyeyntu guuldarraysan karo. Waa sida ay jecel yihiin xoogagga ka soo horjeeda awood-daadejinta iyo isla xisaabtanka. Puntland kuma sii jiri karto macaluusheyn dadban. Waa in saamileyda siyaasaddu, gaar ahaan kuwa aan dib u socodka ahayn, u istaagaan in Puntland la dabaqabto.
You must be logged in to post a comment.