Madaxweyne Deni oo magacaabis sameeyay

Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug.

Wareegto maanta ka soo baxday ka xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade) loogu magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Faysal waxaa horey xilkan u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Karaash, hase ahaatee khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ayaa sababtay in ay shaqayn waydo magacaabistaasi.

Faysal Jifo Jabsade wuxuu beddelayaa Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid noqday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhri wareegtada

Garoowe: 23 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST