DDS oo war ka soo saartay dagaalkii Al-shabaab

Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay Al-shaabab iyo Liyuu Booliska ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobolka Afdheer.

War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa lagu yiri “Waxaa la laayay dhammaan kooxdii Al-shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga Caato ee soo gashay Gobalka Afdheer, kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga Hulhul”.

Dawlada Deegaanka Soomaalida waxay tilmaantay in kooxda Al-shabaab ujeedkoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya, iyagoo raba in ay sii maraan Degmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda Shane.

DDS waxay sheegtay in Al-shabaab dagaalkaas looga dilay in ka badan 100 xubnood, lagana gubay 13 baabuur oo ay wateen, sidoo kale la qabtay dhamaan hub, isgaadhsiin iyo alagabkii ay wateen.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada DDS, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo aagaga lagu dagaalamay.


PUNTLAND POST