
Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa lagu wadaa in ay saaka hortagaan Baarlamanka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa lagu wargeliyay in ay horyimaadaan Fadhiga 27-aad ee Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland ee Sabtida maanta ah.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiilada warbixin ka siin doona Shaqada ay u xil saarantahay Wasaaradda ee Dastuuriga ah qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale wasiirka wax ka weydiin doona Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha gaar ahaanna dhaliilaha ka jira Wasaaradda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.