Laascaanood (Faallo) — Saleebaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) oo mar ahaa guddoomiyihii ururkii SSC, ayaa loo sameeyay urur siyaasadeed si loo wiiqo xisbiga Waddani. Ururkiisu waa Xisbiyada Dadka Somaliland.
Xaglatoosiye Laascaanood ayuu yimid toddobaadkii hore isagoo sita urur waraabe u taag ah oo loo soo dhiibay. Buuhoodle wuxuu tagi waayay waayo wuxuu kala kulmi kari lahaa, sida ay la tahay, weerar la mid ah kii lagu qaaday wadaad ka tirsanaa Xisbul Islaam oo Al-shabaab ay dil qorsheysan ku beegsatay magaaladaas. Xaglatoosiye waxaa waraabe u taagnimada kula tartamaya Cabdirisaaq Cataash oo isna urur siyaasadeed kan Xaglatoosiye la ayni ah loo camcamay.
Cataash wuxuu sitaa Waaberi oo ah urur siyaasadeed ka mid ah isbaarooyinka lagu horjaray xisbiga Waddani. Xaglatoosiye wuxuu siyaasadda ka soo galay Puntland. 2009kii ayuu u tartamay Madaxtooyada Puntland. Waxaa ka badiyay Cabdiraxmaan Faroole oo Cabdisamad Cali Shire u doortay Madaxweyne ku xigeen. Dhirifkii guuldarrada awgeed ayuu bishii Oktoobar 2009kii Nayroobi ku sameeyay ururku SSC. Labo sano ka hor xilligaas Axmed Cabdi Xaabsade oo ciidan beeleed Buuhoodle ka soo abaabushay ayaa u goostay maamulka Somaliland sababayna in Laascaanood laga maamulo Hargeysa.
Shirkii 2011 lagu qabtay Taleex waxaa meesha lagaga saaray SSC. Dhaqdhaqaaq Khaatumo la magacbaxay baa soo baxay. Xaglatoosiye ciidan beeleedkiisu waxay dagaal la galeen ciidanka Somaliland. Dagaal laga baaqsan karay ayuu ahaa laakiin Xaglatoosiye ayaa u arkay fursad uu isku muujin karo. Axmed Cabdi Xaabsade oo markaas ahaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhaleecayn jiray Xaglatoosiye iyo ururkiisa. Ugu dambayn Xaglatoosiye heshiis ayuu Somaliland la galay oo ka mid noqday golihii Wasiirrada ee maamulkii Siilaanyo. Isaga oo aan colaad hurin buu Hargeysa Wasiir ka noqon karay.
Marbuu isu sharraxay inuu noqdo guddoomiye ku xigeen xisbi. Waa laga badiyay waayo xitaa Buuhoodle kalsooni kama haysto. Isaga iyo Cataash kee malxiisnimo siyaasadeed wax kaga heli kara Laascaanood oo Mahad Cambaashe ka qabqableeyo? Waa su’aal da’ weynoo daamanka daalinaysa.
C.A. Muuse
You must be logged in to post a comment.