
Taliyaha Booliiska dowladda Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenkii Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud.
Warqad ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Booliiska Puntland ayaa lagu caddeeyay in xilkii laga qaaday Ilyaas Isxaaq islamarkaana Taliye ku xigeen cusub loo magacaabay Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal.
Taliye ku xigeenka cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo horay u ahaa Taliyaha saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.