Puntland: Sixitaanka imtixaanka fasalka 12-aad oo bilowday kadib markii dowladdu bixisay kharashka lagu saxayo

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay bixisay lacagtii sixitaanka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo awal dhaqaale la’aan loo xisiwaayay.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo looga shirkii khamiislaha Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in sixitaanka imtixaanka fasalka 12-aad uu bilowday kadib markii dowladdu ay bixisay kharashka lagu saxayo.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo looga hadlay Amniga guud, gurmadka Abaarta, Natiijada imtixaanaadka fasalka 8-aad oo la shaaciyey iyo sixitaanka fasalka 12-aad oo bilowday kadib markii Dowladdu ay bixisay kharashka imtixaanka lagu saxaayo” ayaa lqoraalka lagu yiri.

Shirka oo Madaxweyne Deni ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xgeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale looga hadlay tartanka kubadda Kolayga.

PUNTLAND POST