Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya Wasaaradda Qorshaynta

Baarlamanka Puntland ayaa maanta la xisaabtamaya Mas’uuliyiinta ugu sarraysa Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Jamaal Carab Yuusuf oo ay weheliyaan qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa lagu wadaa in uu Saaka hortago Baarlamanka.

Wasiir Jamaal ayaa Golaha Wakiilada uga warbixin doona Waxqabadka Wasaaradda, Horumarka laga sameeyay iyo Caqabadaha  jira.

Xildhibaannada Baarlamanka ayaa sidoo kale Wasiirka su’aalo ka weydiin doona Shaqada ay u xil saarantahay Wasaaradda iyo dhaliilaha dhinaca Waxqabadka ah ee ka jira.

PUNTLAND POST