Xamse: Waxaan isu diyaarinaynaa guluf weyn oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika shaqada ay hayaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Safiirka Jabuuti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

PUNTLAND POST