Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta shaqa-joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Taraafikada G/ sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan Afrikaan.
Shaqa-joojinta ayaa loo cuskaday in Taliye Afrikaan uu sameeyay amar-diido iyo xil-gudasho la’aan inkastoo aan la raacin wax caddayn ah oo muujinaya eedayntaas.
Shaqada Ciidanka Taraafikada waxaa sii wadaya Gaashaanle dhexe Ismaaciil Xirsi Shirwac ( Qabaal) sida lagu caddeeyay warqadda Shaqa-joojinta.
Halkaan ka akhriso warqadda

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.