Kismaayo ( Faallo ) — Waraysiga uu Barre Hiiraale bixiyay toban sano kaddib markii uu dagaal ooge ka noqday Kismaayo waa mid iftiiminaya colaadaha ku soo noqon kara Jubaland, gaar ahaan Kismaayo. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Barre waxay ku dhawaaqeen in dagaallo lala geli doono Al-shabaab iyagoo u malaynaya in ciidammada dowladda federaalku ku wareejin doonaan Jubaland degmooyinka ka baxa gacan ku heynta Al-shabaab.
Qorshe ay Mahad Salaad, taliyaha NISA, iyo Xuseen Macallin, la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh, ay dejiyeen oo lala wadaagay dhowr qof waxaa ku cad tallaabada Muqdisho qaadi doonto oo ah mid si ku meel gaar waqti aan la cayimin maamul ciidan loo hoosgeynayo degmooyinka, si Axmed Madoobe looga hor istaago inuu mar kale dib iskugu soo sharraxo madaxtooyada Jubaland ama saameyn ku yeesho doorashada marka muddo xileedkiisu dhammaado.
Haddii qorshahani dhaboobo wuxuu noqon doonaa qeybtii labaad ee dagaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ka fashilmay 2012-2013kii markii uu huubeeyay Barre Hiiraale. Xilligaas Kenya ayaa Kismaayo qabsatay. Sida ay la tahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xiriir wanaagsan ayuu Kenya iyo Jubaland la leeyahay. Sidoo kale wuxuu taageeray heshiiskii isdhexgalka dhaqaale ee Geeska oo uu si kulul hadda ka hor kaga hor yimid. Madaxweyne Xasan qorsheyaal isburinaya ayuu inuu hirgeliyo doonayaa. Inkastuu Madaxweye Soomaaliyeed yahay Xasan Sheekh wuxuu dejiyaa siyaasad ku salaysan sida in beeshiisu heshiis la galayso dalalka deriska ah. Wuxuu jebiyay heshiiskii Itoobiya lagaga saaray Soomaaliya, wuxuu la galay dowladda dalkaas heshiis laba geesood si ciidanka Itoobiya dib loogu soo celiyo Soomaaliya. Mekelle ayuu tagay oo xirtay koofiyadda TPLF, qaatayna calanka ururka si uu halkaas ugula xafladeeyo urur ciidammadiisu xasuuq qeybo kala duwan oo Soomaaliya ka geysteen. Baarlamaankii jiray 2012-2017 oo uu Jawaari guddomiye u ahaa kama hadlin sharci-jebintaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxu qaatay siyaasad uu heshiis kula yahay dhammaan dowladaha danaha ka leh Soomaaliya, wuxuuse ogeyn in dalka uu hoggaamiyo lahayn siyaasad arrimaha dibedda oo sugan sida dalalka kale. Tani waxay ceel dheer ku sii rideysaa rajadii laga lahaa dowlad dhisidda Soomaaliya oo Damuljadiid u arkaan fursad ay wax ku lunsadaan dadkana ku sii kala fogeeyaan.
Qorshaha Kenya
Guddiga difaaca baarlamaanka Kenya oo dhowaaan kulmay wuxuu dib u cusbooneysiiyay siyaasadda Kenya in Soomaaliya tahay dal halis ku ah nabadgelyada Kenya. Laba rajo oo waaweeyn ayaa tiirar u ah siyaasaddaas: Marka hore. Kenya waxay martigelisaa qaxooti Soomaaliyeed oo badankood la siiyay warqado aqoonsi. Waxay Kenya tobankii sano ugu dambeeyay qeybinaysay warqado aqoonsi la siinayay Soomaalida ku nool gobollada ku yaalla soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Rajada labaad waa ismaandhaafka Soomaalida oo ay Kenya u aragto fursad ay ku fulin karto istaraajiyaddeeda amni: waxay Kenya ku dooddaa, oo Galbeedkuna ku taageeraa, in Soomaaliya aysan lahayn dowlad qaadi karta mas’uuliyadda amniga dalkeeda, tanina ay awood badan siiso kooxaha xagjirka oo halis ba’an ku haya Kenya. Dowladda Ingiriisku waxay taageertaa istaraatijiyadda amni ee Kenya waayo waxay la leedahay heshiis difaac.
Maroorsiga siyaasadda amniga qaranka oo caado u noqotay dowladda federaaalka ayaa keentay in Kenya saameynteedu sii korodho. Dowladda federaalku kuma kasban karto Kenya colaad (sida dowladdii Farmaajo), kumana kasban karto tanaasul badan (sida maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda wado si uu ujeeddooyin shaqsiyadeed u gaaro). Kenya istaraatijiyad qaran bay leedahay; Soomaaliya istaraatijiyad kooxeed bay leedahay.
Walaaca Axmed Madoobe haya
Dhowr toddobaad ka hor Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in weerar lagu qaadi doono Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay dowladdii hore inay ragaadisay ololeyaashii lagula dagaallami karay ururka gacanta ku haya degmooyin badan oo ka tirsan Jubaland. Rajadaas hadda way la qaraaraatay Axmed Madoobe, wuxuu soo jeediyay in ololaha lagula dagaallamayo Al-shabaab la hoos geeyo gole difaac qaran oo madaxda maamul federaaleedyadu ka tirsan yihiin. Wuxuu ku dooday in dowladdii Farmaajo siyaasadaysay ciidammada, iyo in halistaasi ay jirto sababtoo ah “Soomaaliya ma laha ciidan qaran oo loo dhan yahay”. Lama hubo jawaabta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka bixiyay walaaca Axmed Madoobe ka haya suurtoobidda in Madaxweyne Xasan dan u arko soo cusbooneysiinta colaaddii Jubaland oo lagu eedeeyay inuu ku guuldarraystay.
Haddii saamileyda siyaasadeed isku raaci waayaan siyaasad mideysan oo ka dhan ah Al-shabaab, Kenya waxay helaysaa fursad weyn oo ay ciidankeedu ku sii joogaan Soomaaliya waayo dhulka hadda ciidammadeedu joogaan waxay u taqaan dhul ay saameyn ku leedahay ‘sphere of influence’.
Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeeyay inuu ciidammadda xoogga u isticmaalay gaaritaanka ujeeddooyin siyaasadeed. Haddii Madaxweyne Xasan waddadaas qaado mar kale isaga oo aan samayn gole difaac qaran oo ka ilaalinaya inuu ku danaysto waxa loo yaqaanno ciidammada qaranka, Soomaaliya waxay ku sii jireysaa ku tiirsananaanta ciidammada ATMIS, waxaana sii kordhi doona halista in Soomaaliya kala go’do’do, ama noqoto maxmiyado dowladaha deriska ah ay maamushaan.
W.Q. Rashiid Cabdisataar Maxamuud
You must be logged in to post a comment.