Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in khasnadda dowladda laga bixiyay lacagtii uu doorashada ku galay madaxweyne Deni.
Wasiir Abgaal oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa beeniyay in Wasaaraddu wax lacag ah ku bixisay dhaqaalihii uu doorashada Soomaaliya ku galay Siciid Deni.
Wasiirka ayaa tilmaamay in khasnadda dowladda Puntland ay lacagtu ku gasho hannaan sharciga waafaqsan islarkaana uga baxdo si sharciya oo aysan jirin lacag iska baxda.
PUNTLAND POST