Wasiir Gallan oo sheegay in dad loo hayo dilalkii u danbeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu hayo dad ku eedaysan dilalkii u danbeeyay ee ka dhacay Gaalkacyo oo ay ku dhinteen nabaddoon Cabdiqani Xasan Walloore iyo Cilmi Cali Guuleed oo ka tirsanaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Wasiir Gallan oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dadkaas ku eedaysan dilka labada marxuum islamarkaana la soo bandhigi doon kadib markii la dhammaystiro baaritaanka.

PUNTLAND POST