Wadahadaladii doorashada Somaliland oo fashilmay

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay burbureen wadahadaladii khilaafka doorashada ee la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay natiijo la’aan ku soo dhameedeen wadahadaladii khilaafka doorashada ee ay garwadeen ka ahaayeen guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

Mucaaradka ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu diidan yahay wadahadalada, isla markaana uu kalsooni siin waayay guddoomiyeyaasha Baarlamaanka, oo isagu u idmaday dhexdhexaadinta.

“Afkiisa wuxuu naga yiri Guddoomiyaha Guurtida waxba idiinma haynee tashada, annaguna waa tashanaynaa” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si weyn u diidan furitaanka ururada siyaasadda iyo muddo korarsi la sheegay in uu damacsan yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

PUNTLAND POST