Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya Madaxda Wasaaradda Maaliyadda

Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu maanta la xisaabtamo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda oo uu hoggaaminayo Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa Saaka hortagaya Golaha Wakiilada Puntland.

Wasiirka ayaa Baarlamanka warbixin ka siin doona Shaqada ay u xil saarantahay Wasaaradda Maaliyadda iyo wixii uga qabsoomay.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale su’aalo Wasiirka su’aalo ka weydiin doona mas’uuliyadda uu bulshada u hayo gaar ahaanna dhaliilaha ka jira shaqada Wasaaradda Maaliyadda

PUNTLAND POST