
Mid kamid ah diyaaradaha Shirka Jubba Airways ayaa goordhaw ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha garoonka, waxa ayna diyaaradu ka timid magaalada Baydhabo
Dhammaan rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay mana jiro khasaare dhaafsiisan burburka diyaaradda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo nid kamid ah baalasheeda dhulka ku dhufsatay kadibna ka baxday dhabaha ay kusoo dageysay.
Waxaana sidoo kale muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha internet-ka ay muujinayaan khasaaraha iyo burburka xooggan ee gaaray diyaaradda, waxaana sidoo kale la arkay qiiq iyo uuro cirka isku shareeray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.