Taliyaha cusub ee Saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe oo xilka la wareegay

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee saldhiga bartamaha Garowe iyo taliyaha cusub ee saldhiga.

G/le Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa xilkii saldhiga bartamaha ku wareejiyay taliyaha cusub ee saldhiga bartamaha Garowe Dhame Mahad Axmed Maxamuud.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa taliyaha cusub ee Saldhiga bartamaha Garowe faray inuu si wanagsan bulshada ugu shaqeyo shaqo hufnaan ku dhehan tahayna la yimaado.

Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali ayaa sido kale taliyihii hore ee Saldhiga bartamaha G/le Fardafuul ku amaanay shaqadii adkayd uu soo qabtay iyo siduu bulshada ula shaqeyay.

PUNTLAND POST