
Komaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay horjoogayaal sare iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Hawlgalkaas oo laga fuliyay degaanka Labakuus ee Gobolka Jubada hoose ayaa lagu dilay xubno sare iyo dagaallamayaal hubaysan sida ay saaka ku warrantay wakaaladda wararka SONNA.
Horjoogayaasha hawlgalkaas ku dhintay waxaa kamid ah horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa maaliyadda iyo sakawaadka sida ay soo werisay SONNA.
Ciidanka Danab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay xaruntii kaydka Sakawaadka Al-shabaab ee degaanka Labakuus waxaana laga qabtay hal maxbuus sida laga soo xigtay saraakiisha Danab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.