Isimada Widhwidh ku shiraya waa inay xaqa u hiilliyaan

C.A. Muuse

Laascaanood (Ra’yi) — Waxaan akhriyay war ku saabsan shir uu Garaad Maxamed Abshir Garaad Saalax ku baaqay inuu ku qabsoomo Widhwidh. Ma aan hubo in maamulka Somaliland uu shirka abaabulay, sida dad badani ay la tahay. Tuhunkaasi wuxuu rumoobi doonaa haddii dhowrka Garaad shirka ka qeybgalaya ay soo saari waayaan baaq ay ku dhaleecaynayaan go’aankii dad Soomaaliyeed Laascaanood uu maamulka Somaliland kaga barakiciyay hal sano ka hor oo ahaa ku xadgudub xuquuqda dad Soomaaliyeed.

Isimadu ma laha kaalin siyaasadeed, hase ahaatee waajib baa saaran ah inay hadal ugu yaraan kaga dhiidhiiyaan boobka iyo barakicinta dad Soomaaliyeed loogu geystay Sool. Isimadu may qaadan karaan go’aammo siyaasadeed. Waxay leeyihiin cod ay ku taageeraan falalka siyaasiyiinta. Taageeradu waxay noqon kartaa mid hadal ama aamusnaan ku salaysan.

Ilaa hadda lama hayo Garaad eedeeyeey maamulka barakicinta qasabka ah Laascaanood ugu geystay dad Soomaaliyeed.

Shirka Widhwidh waa fursad ay ku muujin karaan mowqifkooda ay hore u muujin waayeen. Waxaan rajeynayaa in go’aammo wax ku ool ah ay ka soo baxaan shirka Widhwidh.

C.A. Muuse, Laascaanood