Qarax xoogan oo ka dhacay Jowhar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku dhaawacmay

Qarax loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa maanta ka dhacay hotel Nuur Doob ee magaalada Jowhar oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoogan, waxaana isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar la geeyay dad fara badan oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ee la xaqiijiyay in qaraxaas ku dhaawacmeen waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Macallin iyo Guddoomiye ku-xigeenka hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise.

Qaraxa ayaa burbur xoogan u geystay hotelka uu ka dhacay iyo dhismayaashii ku dhawaa, sida ay muujinayaan sawiro laga soo qaaday goobta weerarku ka dhacay.

Ururka Al-shabaab oo inta badan sheegta qaraxyada ka dhaca Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa jowhar, inkastoo aysan faahfaahin badan bixin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay qaraxa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa tacsi u diray dadka dhibaatada ka soo gaartay iyo maamulka Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday maamulka Hirshabeelle in Dowladda Federaalka ay gacan ku siin doonto sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay qaraxa.

PUNTLAND POST