Qarannimada oo la hor istaago ama lagu ciyaaro waxaa laga dheefaa guuldarrooyin wadareed
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo-xileedkiisan wuxuu kaga duwan yahay muddo-xileedkiisii kowaad (2012-2017), wuxuu xafiiska ku soo noqday isaga leh waaya-aragnimo siyaasadeed. Waxa keliya oo weli u harsan waa inuu ka gudbo sida uu u eego siyaasadda Soomaalida. 2015tii ayuu isaga oo ka hadlaya Shabeellaha Hoose wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in “gobolka Shabeellaha Hoose muddo dheer la isku haystay.” Shaqadii cilmibaarenimada uu Madaxweynaha ka soo shaqeeyay burburkii kaddib ayaa u leexisay inuu siyaasadda uga hadlo sida cilmibaare.
Cilmoibaare siyaasi noqday wuxuu inta badan xoogga saaraa iibinta aragtidiisa; wuxuu illoobaa inuu xil ka saaran yahay xallinta dhibaatooyinka siyaasadeed uu dhaxalay (tusaale sida ciidammo beeleed hubaysani u qabsadeen qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose). Wixii awood-darro dowladeed ama dowlad la’aani ay keentay waa in aan loo arkin wax aan laga gudbi karin ama wax ku habboon in sidooda loo dhaafo (facts on the ground). Madaxweyne Xasa Sheekh aragtida “arrimmaha sidooda ha loo dhaafo” ayaa la qumanaatay. Wuxuu u baahan yahay taladii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed u baahnaa 1991kii markii ururkii United Somali Congress uu Muqdisho qabsaday.
Kaddib markii Muqdisho ay gacanta u gashay ururkii USC waxaa Hoteel Laftweyn (Lafweyn Hotel) ku shiray dad iskugu jiray cilmibaarayaal, siyaasiyiin, iyo xirfadleyaal kala duwan. Waxaa halkaas ka hadlay rag uu ka mid ahaa bare sare (Professo) Maxamuud Tuuryare oo dib u eegista dastuurkii Soomaaliya u xilsaarnaa ka hor 1991, ahaana bare Qaanuunka Caalamiga ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. Taladii uu 1991 u soo jeediyay golihii dhexe ee USC waxay ahayd: ha ku degdegin dhisidda dowlad waayo USC dalka kama wada taliso. Golihii dhexe ee USC waxaa ka tirsanaa ganacsato sida Cali Mahdi, oo wax ka saxiixay Manifestadii 1990kii, kana mid ahaa asaasayaashii ururka.
Intii shirku socday Muqdisho waxaa ka socday bililiqo baahan, dilal siyaasadeed; xoogaggii USC waxay isu diyaarinayeen inay dagaallo ku qaadaan qeybaha kale ee koonfurta. USC way baabbi’say ciidankii xoogga dalka. Go’aankaa ayaa ka kallifay Tuuryare inuu xusuusiyo madaxdii USC in siyaasadda Soomaaliya jiheynteeda aysan hal urur ama hal beel u oollin. Aqoonta sharciga uu lahaa ayaa Tuuryare ka caawisay inuu garto in USC aysan lahayd sharciyad Soomaalida oo dhan ay ku qanacsan tahay; waxba ma dhaamin taliskii keli-taliska ahaa (1969-1991). Wuxuu kula taliyay USC inay marka hore kala dambaynta Muqdisho soo celiyaan. Sidee dowladda Madaxwene Xasan Sheekh ula dagaallami kartaa kooxo xagjir ah haddii Muqdisho xaaladdeedu wax badan aysan dhaamin xaaladdii Professor Tuuryare ka hadlayay 1991kii? 2021kii dad Soomaaliyeed baa dhulkooda hooyo looga soo barakiciyay go’aan siyaasadeed xaqdarro ku dhisan oo ku tilmaamay dadka sida qasabka ah loo barakiciyay dad dalka aan u dhalan. Ma dhowrsana xaqa muwaadinka Soomaaliyeed.
Burburkii dowladnimada oo dhacay 1991kii wuxuu horseeday in Soomaaliya ay noqoto dal dowlad la’aan ahaa muddo dheer. Muddadaas Madaxweyne Xasan Sheekh Muqdsho ayuu ku sugnaa inta badan; waa xilli Soomaalida siyaasiyiintoodu kala sii fogaadeen, dadkana kala sii fogeeyeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hasytaa sharciyad caalami ah, laakiin muu haysto sharciyad ku salaysan doonista dadka; ma aha Madaxweyne ay dadku si toos ah u soo doorteen. 2013kii wuxuu, isaga oo ka faa’iideysanaya aqoonsiga buuxa oo ay dowladda federaalku heshay, u saxiixay shirkad sharciyanno Maraykan ah inay soo raadiyaan hantida Soomaaliya ka taalla bangiyo shisheeye. Qareenka lacagaha soo qaaday ayaa dhowaan lagu maxkamadaynayaa Maraykanka isagoo ku eedeysan isku day lunsi hanti Soomaaliyeed. Madaxwenihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa 2013kii ugu baaqay beesha caalamka in aan hanti Soomaaliyeed loo gacangelin dowladda federaalka.
Dhanka shariciga caalamiga marka la eego Madaxweyne Xasan Sheekh way u bannaanayd inuu raadsado hantidaas; laakiin marka la eego dastuurka ku meelgarka ah, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sameeyay xadgudub. Dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu xoogga saarayaa wadatashi marka dowladdu ku dhaqaaqayso tallaabooyin saameynaya Soomaaliya oo dhan. Dastuurku iimo wuu leeyahay, laakiin waa sharci ummadeed xakamayn kara madaxda heer federaal waayo inta la helayo hay’ado ka madaxbannaan fulinta waxaa habboon in maamul federaaleedyadu ka hortagaan ku adeegashada aqoonsiga dowladda federaalku ka haysato beesha caalamka, aqoonsi u sahlaya inay heshiisyo daahfurnaan la’aan ah gasho. Tusaale, Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed wuxuu bishii Febraayo 2022kii saxiixay heshiis kheyraad wadaag isagoo og, qireyna inay jirto warqad Madaxtooyadu soo saartay oo reebaysay in heshiis lala saxiixdo dalal ama shirkado shisheeye inta lagu jiro xilliga kala-guurka. Wax tallaabo ah lagama qaadin Cabdirashiid waayo waxaa difaacay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusen Rooble oo isagana illoobay in talo Soomaaali wadaagto ay Muqdisho taallo.
Sharciyeynta cadaalad-darrada
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u arkaa siyaasadda Soomaaliya inay u socoto sida ay Soomaali ugu heshiisay (habka 4.5). Laguma eedeyn karo isaga wax xadgudub ah oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale, laakiin xil weyn ayaa ka saaran inuu muujiyo meesha uu ka taagan yahay gaboodfallada keenay in Muqdisho magac ahaan caasimad tahay laakiin noqotay goof siyaaseed beeli sheeganayso kaddib markii 1991kii Muqdisho loo kala qeybiyay aagag beeleed.
Hoggaamiye sharciyeynaya ama ka aamusaya cadaalad-darro muu heli karo kalsoonida dadkiisa. Muxuu qaban karaa Madaxweyne u nugul in siyaasaddiisa loo fasirto inay dhowrayso sadbursiga kooxo ay heleen burburkii 1991kii kaddib? Soomaalidu waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku qiimeynayaan meesha uu iska taago cadaalad-darrada jiilkii seddexaad maraysa oo halis ku ah jiritaanka Soomaaliya. Haddii caasimaddu weli leedahay tilmaamihii 1991kii iyo wixii ka dambeeyay, ma noqon karto meel lagu sii hirto.
Halkudhegga Soomaali heshiis ah, duninadana heshiis la ah wuxuu macne samaynayaa marka Soomaalidu og tahay in qofka ereyadaas ku hadlaya uu ku sifoobay difaaca xaqa qofka Soomaaliyeed. Madaxwene Xasan Sheekh wuu og yahay in faca Soomaaliya hadda ugu badan ay dhaxleen guuldarradii hoggaamineed ee ficii 1991kii isbeddelka talis keenay laakiin dalka u horseeday burbur dowladnimo oo daba-dheeraaday.
Qarannimada oo la hor istaago ama lagu ciyaaro waxaa laga dheefaa guuldarrooyin wadareed. Way fiicnaan lahayd in Madaxweyne Xasan Sheekh la yimaado siyaasad cusub oo ka hortagi karta in talada dalku gacanta u gasho kooxo ururro samafal ku soo adeegtay oo waxa ka haray qarannimada Soomaaliya isa sii raacin kara. Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dib u eego taladii uu Professor Tuuryaye 1991kii bixiyay oo ku saabsanayd, sharcidarrada go’aammo qaran oo aan ku salaysnayn doonista ummadda Soomaaliyeed. Soomaaliya way ka nugushahay sidii ay 1991kii ahayd.
Liibaan A. Axmad Libahm@gmail.com
You must be logged in to post a comment.