Madaxweynaha Dowldda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii dambe gaaray dalka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti kulan la qaadan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale wuxuu hadal ka jeedin doona xarunta Baarlamaanka Jabuuti, isagoo uga xog warrami doona xaaladda dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan oo maanta ka yimid dalka Kenya, ayaa saacado kaddib u safray Jabuuti, waxaana safarkii 5-aad ee uu dalka dibadiisa ugu baxo, tan iyo markii la doortay 15 Maajo 2022.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.