Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka

Baarlamanka Puntland ayaa maanta la xisaabtamaya mas’uuliyiinta u sarraysa wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo agaasimaha guud Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa lagu wadaa in uu saaka hortago Baarlamanka.

Wasiirka ayaa fadhiga Baarlamanka ka jeedin doona warbixin ku saabsan wixii u qabsoomay wasaaradda ee dhinaca horumarinta adeegyada Caafimaadka iyo caqabadaha jira.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale wasiirka su’aalo ka weydiin doona arrimaha horumarinta Caafimaadka Puntland iyo dhaliilaha ka jira.

PUNTLAND POST