Nairobi: Qodobada ay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Dowdda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa war-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray kulan ay maanta ku yeesheen madaxtooyada dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa isku raacay 11 qodob oo la xiriirka iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee labada dal.

Qodobada waxaa ka mid ah in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho, sida ugu dhaqsiyaha badan iyo in Soomaaliya loo furay inay suuqyada Kenya u dhoofiso kalluunka, halka Kenya ay dib u billaabeyso dhoofinta qaadka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta Soomaalida ee wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan addeega dadweyne ay Fiisaha Kenya ku heli doonaam 48 saac gudahood, halka dadka wata baasaboorka shacabka ee Soomaaliya ay Fiisaha Kenya ku heli doonaan 10 maalmood gudahood.

Labada Madaxweyne waxay kaloo ku heshiiyeen in labada dal iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey in Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

PUNTLAND POST