
Puntland ayaa markii u horraysay si kooban uga warbixisay maxaabiis dil ku xukuman oo saaka ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Col. Muumin Cabdi Shire ayaa xaqiijiyay in saddex maxbuus oo dil ku xukuman ay ka baxsadeen xabsigaas.
7 maxbuus ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan xabsiga oo lagu hayo dadka Al-shabaab ku eedaysan balse saddex ayaa gacanta lagu dhigay sida uu sheegay Col. Muumin.
Hal maxbuus ayaa sidoo kale ku dhintay dhacdadaas oo baaritaan lagu hayo sida uu xusay Taliyaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.