Maxaabiis dil ku xukuman kadib markii Al-shabaabnimo lagu helay oo ka baxsaday Puntland

Warbaahinta Puntland Post ayaa xog dhammaystiran ka raadisay warar saacadihii u danbeeyay lagu qoray baraha bulshada, oo sheegaya in maxaabiis xukuman ka baxsadeen xabsi gaar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Waxaan xiriiro kala duwan la samaynay saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland, gaar ahaanna Booliiska Gaalkacyo, waxaana ay noo xaqiijiyeen warka maxaabiista baxsaday.

Saraakiisha ayaa sheegay in 7 maxbuus oo dil ku xukuman, kadib markii Al-shabaabnimo lagu helay ay isku dayeen in ay ka baxsadaan xabsiga, balse saddex kamid ah la qabtay, halka midna uu ku dhintay rasaastii ciidanku riday.

Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in saddex kamid ahaa maxaabiista dilka ku xukuman ay gebi ahaanba baxsadeen, islamarkaana weli la raadinayo, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawiradooda, si loo aqoonsado.

Xasan Isaaq Maxamed ,Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo Liiban Ciise Cali (Madaxkariye) ayaa lagu sheegay magacyada maxaabiista baxsaday oo weli la raadinayo

Dhacdadan ayaa sida la soo weriyay subaxnimadii hore ee saaka 4:00am ka dhacday xabsi gaar ah oo ku yaalla Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST