Madaxda hadda iyo kuwii hore ee Puntland waxay la tahay in awood-daadejintu keenayso isla xisaabtan baahsan, sida ka muuqata dhiirranaanta xildhibbaannada baarlamaanka Puntland
Puntland waa maamul bisha soo socota u dabbaaldegi doona 24 guurada asaaskii ismaamulkii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya yeelato. Hindise ahaan Puntland waxay ku soo kordhisay siyaasadda Soomaalida hab siyaasadeed kaalin weyn ka qaatay badbaadinta qarannimada Soomaalida. 1998 Muqdisho waxay u kala qaybsanayd Koonfur iyo Waqooyi waayo qabqablayaashu waxay ka soo horjeeedeen dowladnimada Soomaaliya. Waqooyiga, gaar ahaan Hargeysa, waxaa ka jiray maamul sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay. In Soomaliya midnimadeeda la dhowro iyo awoodda siyaasadeed aan hal meel la isku geynin ayaa tiir u ahaa samayntii Puntland. Inkastoo reer Puntland wax badan u hureen gaaritaanka himilada hirgelinta billowga ee habka federaalka, waa isla iyaga dadka maanta dhibbanaha u ah maamul daadejin la’aan. Dabaqada siyaasadeed ee Puntland oo caan ku ah boobka hantida dadweynaha waxay isku raacsan yihiin in aan awoodda loo daadejin degmooyinka iyo gobollada Puntland, laakiin in ay shafka garaacaan si ay uu mijiyaan inay yihiin difaacayaasha habka federaalka.
Saboolnimada iyo shaqo la’aanta faraha ba’an ku haya dadka Puntland waa kuwo ka yimid awoodda siyaasadda ku urursan hadba maamulka talada siyaasadeed gacanta ku haya. Awood-daadejin uun baa looga bixi karay xaaladdan, laakiin ilaa hadda qof qaatay eedda ragaadintaa geeddiga dimuqraaddiyeynta ee Puntland ma jiro. Waan yaabay markaan arkay laba Madaxweyne hore ee Puntland oo si adag uga hadlay dhacdadii Boosaaso, iyagoo marnaba aan ka hadlin isla xisaabtan la’aanta siyaasadeed keentay in shatiyo kalluumeysi la bixinayay muddo dheer baarlamaanka Puntland oo aan ansixin.
Haddii siyaasiyiinta xilalka hore uga soo qabtay ama kuwa hadda haya ay u damqanayaan hay’adaha siyaasadeed ee Puntland maxay ugu damqan waayeen dadka la’aantood aysan hay’adahaasi jiri lahayn? Way caddahay inay ku jeeb-gobaadsanayaan (afgobaasi way dhaaftay) ilaalinta jiritaanka Puntland waayo waxay awood-daadejin iyo isla xisaabsan u arkaan halis weyn oo soo foodsaari karta danahooda dhaqaale. Puntland waxay xusi doontaa 24 guurada dadka oo abaari ay si xun u saamaysay; wixii loogu ceymin lahaa waxaa lunsaday siyaasiyiinta hadda isku raacsan is hortaagga dimuqraaddiyeynta Puntland. Xaalka Puntland wuxuu marayaa, eelka kii dhigay u ergootoy!
W.Q. M. A. Aadan
You must be logged in to post a comment.