Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo dhaqaale la’aan lala sixi waayay

Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ayaa lala sixi la’yahay dhaqaale la’aan soo wajahday kadib markii dhammaan hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray ay joojiyeen barnaamijkaas.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasanoo maanta hortagay Baarlamanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray Imtixaanka ay joojiyeen islamarkaana aysan dowladdu awoodin bixinta karashaadka lagu saxo Imtixaanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in lacagta laga qaado waalidiinta oo keliya aysan ku filnayn Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo sida uu sheegay weli lala sixi la’yahay dhaqaale la’aan.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tilmaamay in hadda la saxay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo keliya halka kii dugsiyada sare dhaqaale loo waayay.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST