Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe iyo wafdiga Maraykanka?

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre, madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee AFRICOM.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Mas,uuliyiinta ka socotay dowlada Maraykanka ayaa ka wadahadlay arimaha amaanka, dagaalka argagixisada iyo taageerada Maraykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyo arimaha gobolka geeska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga Kenya iyo kuwa gudaha ku barakacay.

PUNTLAND POST