Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC oo saaka hor-tegaya Baarlamanka Puntland

Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka furmo kadib markii Xildhibaannadu ka soo laabteen Fasaxii Ciidda Carrafo.

Fadhiga Baarlamanka ayaa waxaa saaka hor-imaanaya Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC sida lagu wargeliyay Xildhibaannada Golaha Wakiilada.

Guddiga ayaa Fadhiga Baarlamanka ka jeedin doona Warbixin ku saabsan Barnaamijka ay u xilsaaran yihiin ee Hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee qof iyo cod.

Xildhibaannada Baarlamanka sidoo kale Guddiga su’aalo ka weydiin doona Barnaamijka Hirgelinta Hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo dhaliisha ka jirta Shaqada Guddigaas.

PUNTLAND POST