Gaas iyo Faroole oo xildhibaan Sacdiyo ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay dhacdadii Boosaaso

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ka hadlay shaqaaqadii isniintii ka dhacday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ayay ku sheegeen in dhacdadii Boosaaso ay ma’uul ka tahay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayna baalmartay nidaamka dowliga dalka.

Waxay sheegeen in Puntland leedahay maamul la doortay, sidaas darteed dariiqa ugu mudan ay tahay in la mariyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland. Waxay soo jeediyeen in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qaybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso ayay ugu baaqeen in ay ilaashaan nabadda, xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada.

Siyaasiyiinta war-saxaafadeedka soo saaray ayaa kala ah; Cabdiraxman Maxamad Faroole, Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, Axmad Ciise Cawad, Cabdikhadar Shaaciye iyo Maxamad Cabdiraxmaan Faroole.

PUNTLAND POST