Puntland: Axmed Karaash oo shaqo joojin ku sameeyay labo wasiir

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax.

Labada wasiir ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen qodobka 74- aad, farqadiisa 2-aad ee dastuurka Puntland, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka.

Qodobka lagu eedeeyay in ay jabiyeen wasiiradu ayaa dhigaya “Hay’adda Fulinta ee dowladda waxaa haga Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenka haddii uu Madaxweynuhu maqan yahay”.

Shaqo joojinta labada wasiir ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay shaqaaqo khasaare badan ka dhashay ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST