Xasan Sheekh oo booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda oo tababar u jooga Ereteriya

Madaxweynaha Dowdda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya.

Kormeerkan ayuu madaxweyne Xasan ugu kuur-galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka.

Ciidankan ayaa sameeyey dhoolatus ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha, wuxuuna madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf isaga oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay ciidamada ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey ahmiyadda qaran ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda, si loo xaqiijyo amniga dalka, loogana dulqaado dadka iyo mandiqaddaba qatarta argagixisada.

Waa maalintii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh booqdo ciidamo Soomaaliyeed oo tababar ku jooga dalka Ereteriya, shalay ayuu sidan oo kale booqday cutubyo ka tirsan kumaandoooska.

Ciidamadan ayaa sanado ka hor tababarka loogu qaaday dalka Ereteriya, waxaana marar kala duwan laga faafiyay warar is khilaafsan, oo qaarkood sheegayeen in ay ka qaybgaleen dagaalkii Itoobiya.

PUNTLAND POST