Xasan Sheekh oo booqday ciidamada Soomaaliya ee tababarka u jooga Ereteriya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliya ee tababarka u jooga dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, wuxuuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta.

Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo la wareegidda deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa sanado ka hor tababarka loogu qaaday dalka Ereteriya, waxaana marar kala duwan laga faafiyay warar is khilaafsan, oo qaarkood sheegayeen in ay ka qaybgaleen dagaalkii Itoobiya.

PUNTLAND POST